Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada [1]. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin [5], kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Ragga waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn [10]. Waa Amar ka yimid Alle. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan [11], markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo [12].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Sideedaba Alle wuxuu aqbalaa tawbada kuwa u fala xume aqoon darri [14], ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaana weeye kuwa uu Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn [15], hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (xaasaska) si wanaagsan oo jaceyl leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah [23], Alle isagaa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala bar ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna [24] (hana is dilina). Hubaal, Alle wuu idiin Naxariis Badan yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Alle dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed [25], iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsanna way adeecaan (nimankooda), ilaaliyaan maqnaanasha (nimankooda) ilaalinta Alle darteed [26]. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadooda [27], waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) [28], hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Hubaal Alle waa Sarreeye, Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo xaaskiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Alle wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah [29], saaxiibka ku dhinac jooga, tub ku joogga (socotada go’doonsan) [30], iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Kuwa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada [31], ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. qofkii uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Alle siiyey? Allena iyaga aad buu og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Hubaal, Alle ma dulmiyo 'dadka' wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag falaanna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga (Nabiyow) si aad uga ahaato markhaati kuwan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa gaalooba oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan [32] jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween [33], oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Qaar ka mid ah kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee xaqiijin waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Alle waa mid abad fula.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Alle ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn [34].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Miyaanad u fiirsan kuwa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo [35]. Mayee Alle baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (waa Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa gaalooba 'mushrikiinta': kuwakani baa ka hanuunsan (toosan) kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta) jidkooda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Alle)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Alle siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeeyey (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Jahannama baana ku filan inay gubto.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Hubaal, kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Alle wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeesasho muuqata.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Ee sidee bay noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii (oo denbiyo ah)? Markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Alle: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso, waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Alle. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Alle, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Alle oo tawbad aqbal Badan, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqinta): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeenna waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheyd (iimaankooda);
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwaa waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Alle, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaana kuwaas oo lala noqdo rafiiq.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Alle kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Alle, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar aad u Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Maxaadse u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Alle, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Alle, kuwase gaalooba waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; hubaal dabinka shaydaanku waa daciif.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Alle wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo Alle talo saaro. Alle ku filan wakiil ahaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Alle, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka iyo kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Alle korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Ee ku dagaallan Jidka Alle, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Alle idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Alle darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanay laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwaa waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Qofkiise u dila mu'min si kas ah, jazahiisu waa Jahannama, uu ku dhex waari, Cadho Alle iyo Nacladi baana dushiisa ah, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran [40].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (jihaad) Jidka Alle ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhiga nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Alle agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey iimaan iyo khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwa kula jihaad gala Jidka Alle maalkooda iyo nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaan wuxuu Alle u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Alle kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar aad u Weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Marka laga reebo kuwa la daciifsado oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Qofkii u soo haajira Alle Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaana gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Alle iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Alle. Alle waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka (oo safar ku jirtaan), idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda [43], haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Markaad (Nabiyow) dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah). Ma aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Alle ku baray. Ha noqon qareen u dooda khaa’imiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Alle agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa, markaas weydiista Denbi Dhaaf Alle, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Qofkiise gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan [45], wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay hammin (dooni) lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid aad u weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Alle, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Hubaal, Alle ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkii la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid aad u fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Ma la barbar caabudaan (Alle) waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Alle oo Xaq ah. Yaa ka run badan Alle Hadalkiisa (waa cidna).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Ma aha hididdiillooyinkiinna [48] iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Alle isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuu Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaanna oo iska ilaalisaan 'xumaha', Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Alle ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Alle waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xigmad Badan yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle, haddaadse gaalowdaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Hodan, Ammaanan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waa ku filan yahay Alle Wakiil ahaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Alle baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraaboba, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan [52], Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Alle iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid aad u fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye [53] halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Alle baa iska leh Ciso oo dhan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Alle oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Hubaal Alle wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Jahannama gudaheed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Alle, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Alle kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna. Qofkii uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad isaga yeeshaan Alle xujo cad?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub145. Munaafiqiintu [55] waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare (shafeece Aakhirada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub146. Marka laga reebo kuwa tawbad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuu Alle siin mu’miniinta Ajar aad u weyn (Janno).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub147. Muxuu Alle ku fali caddibaadiinna haddaad ku mahdisaan oo rumeysaan? Alle waa tixgeliye camalkii darti loo qabtaa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya). Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Hubaal, kuwa ku gaalooba Alle iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Alle iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, oo ku gaaloobi qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub152. Kuwase rumeeyey Alle iyo Rusushiisa oo aan kala soocin midkoodna ka mid ah oo kala saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Alle iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Alle baa yeelay shaabbad daboosha gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ina Maryam, Rasuulkii Alle [56], _mase ay dilin [57] mana ay daldalin, waase loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Alle iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman [58]. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Alle.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, kuwaa waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warramin. Alle wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid [59].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Alle wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna [60] waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Alle waa ku Filan yahay Markhaati ahaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub168. Hubaal, kuwa gaalooba ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Alle), ma aha Alle Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub171.Ehlul-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina diintiinna (iyo camalkiinna), hana ka sheegina Alle waxaan xaq ahayn. Masiixa Ciise ina Maryam waa uun Rasuul Alle iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Alle waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub173. Ma kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase iska weyneeya Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub175. Ma kuwa rumeeya Alle oo si sugan u qabsada (Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin Xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).