caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Maaida, aayadda 48

Madiina · kala horreynta soo dejinta 112 · 5:48

وَأَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ ٱلْكِتَٰبِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ فَٱحْكُم بَيْنَهُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ عَمَّا جَآءَكَ مِنَ ٱلْحَقِّ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَٰكِن لِّيَبْلُوَكُمْ فِى مَآ ءَاتَىٰكُمْ فَٱسْتَبِقُوا۟ ٱلْخَيْرَٰتِ إِلَى ٱللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaana kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) oo Xaq ah isagoo rumeyn wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ugu kala garsoor dhexdooda wuxuu Alle soo dejiyey, hana raacin hawadooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay sharci iyo waddo (cad ee diinta). Hadduu doono Alle, wuxuu idin ka yeeli lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, waase si uu idiinku imtixaano wuxuu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Alle meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi waxaad isku khilaafsaneydeen.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70