caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Maaida, aayadda 32

Madiina · kala horreynta soo dejinta 112 · 5:32

مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَنَّهُۥ مَن قَتَلَ نَفْسًۢا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَآ أَحْيَا ٱلنَّاسَ جَمِيعًا وَلَقَدْ جَآءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِٱلْبَيِّنَٰتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan [8]. Waxay Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70