caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Muhammad, aayadda 15

Madiina · kala horreynta soo dejinta 95 · 47:15

مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ فِيهَآ أَنْهَٰرٌ مِّن مَّآءٍ غَيْرِ ءَاسِنٍ وَأَنْهَٰرٌ مِّن لَّبَنٍ لَّمْ يَتَغَيَّرْ طَعْمُهُۥ وَأَنْهَٰرٌ مِّنْ خَمْرٍ لَّذَّةٍ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنْهَٰرٌ مِّنْ عَسَلٍ مُّصَفًّى وَلَهُمْ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغْفِرَةٌ مِّن رَّبِّهِمْ كَمَنْ هُوَ خَٰلِدٌ فِى ٱلنَّارِ وَسُقُوا۟ مَآءً حَمِيمًا فَقَطَّعَ أَمْعَآءَهُمْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin [7], iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70