ٱلْخَبِيثَٰتُ لِلْخَبِيثِينَ وَٱلْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَٰتِ وَٱلطَّيِّبَٰتُ لِلطَّيِّبِينَ وَٱلطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican [13] waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.