لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.