وَتَرَىٰهُمْ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا خَٰشِعِينَ مِنَ ٱلذُّلِّ يَنظُرُونَ مِن طَرْفٍ خَفِىٍّ وَقَالَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ ٱلْخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ أَلَآ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ فِى عَذَابٍ مُّقِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah.