caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ash-Shura, aayadda 15

Makka · kala horreynta soo dejinta 62 · 42:15

فَلِذَٰلِكَ فَٱدْعُ وَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ وَقُلْ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٍ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَآ أَعْمَٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَٰلُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray [7], hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna [8], xujo (hadda) inama dhex taallo [9]. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70