وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Badankooduse ma oga.