أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةً وَبَاطِنَةً وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَٰبٍ مُّنِيرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Miyeydaan arkayn inuu Alle idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna.