Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waa Isaga 'Alle' Kan ka soo saaray ummiyiinta [1] dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadahiisa, daahiriniya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo ku sugan habow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. (Wuxuu sidoo kale u diray) kuwo kale oo ka mid ah aan weli ku soo biirin. Alle waa Aadkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Tusaalaha kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista 'xilkaa' [2], waa sida dameer xambaarsan kutub [3] culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Alle. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6.Dheh: Idinka heysta diinta Yuhuudiyadow! Haddaad sheegataan inaad tihiin awliyo Alle [4], dadka kale ka sokow, jeclaada dhimasho haddaad run sheegeysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Ma jeclaanayaanna weligood 'dhimasho' waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah). Alle waa Og yahay daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Alle, kana taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Markase salaadda la dhammeeyo, ku kala faafa arlada, dalba Deeqda Alle [5], xusana Alle in badan aad liibaantaane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Mar ay arkeen ganacsi ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda.