Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka [1] daarahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Alle. Wuxuuse Alle uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan Indheer garadka ahow.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Haddaanu Alle u qaddarin guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna [2], wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. (Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa [6], una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Hubaal Alle waa u xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah fallaagada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Alle darti. Waxaana u soo qaadannaa tusaalooyinkan dadka bal inay fekeraan.