Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwa idinka mid ah ee isaga
xaaraantimeeya [1] xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasuna waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allese hubaal waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaninayo. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Xaqiiq kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad [3], mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin [4], iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (amarrada) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan [5], si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee. Alle uun ha tala saarteen mu’miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee 'Naxariistiisa' [6]. Marka la idinku yidhaahdo u kaca 'khayr' [7] u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka tawbad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa. Kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Alle iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda. Kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux [9] Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.