Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Qaraabadiinna iyo awlaadiinnu waxba idiinma tarayaan Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi (oo idiin kala saari gaalo iyo mu'miniin). Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray [2], markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle [3], umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waa intaasoo Alle yeelo kalgaceyl dhexdiinna idinka iyo kuwaad collaytanteen ee ka midka ah (gaalada oo soo islaamaan). Alle wax walba wuu Karaa [4]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Alle idinkama reebayo kuwaan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u samo iyo caddaalad fashaan. Hubaal Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Wuxuu Alle idinka reebayaa uun kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, ama ku taageeray (kuwo kale) qixintiinna inaad ka dhigataan xulufo. Qofkii ka dhigta kuwaasi xulufo, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda [6], kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina sokeeye (ama saaxiibbo dhow) qolo Cadho Alle qaba (Yuhuudda), Aakhirana ka quustay, sidayba gaaladu (mushrikiinta) uga quusteen ehlu qubuurka.