يَعْمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٍ كَٱلْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَٰتٍ ٱعْمَلُوٓا۟ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكْرًا وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِىَ ٱلشَّكُورُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah [3] iyo taallooyin [4] iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.