يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمْ وَيَهْدِيَكُمْ سُنَنَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ وَيَتُوبَ عَلَيْكُمْ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Alle Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka tawbad aqbalo. Alle waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.