caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda At-Taghaabun التغابن

18 aayadood · Madiina · kala horreynta soo dejinta 108

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaa Xurma weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle baana leh Boqortooyada (runta ah), oo leh Ammaan idilkeed iyo Mahad, oo wax walba Kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Alle waa Kan idin abuuray, markaas qaarkiin noqdeen gaalo, qaarkiinna m’uminiin. Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq, wuuna idin suureeyey oo wanaajiyey suuradahiinna, waana Xaggiisa Noqodka Dambe (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Wuxuu Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Wuxuuna Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba. Alle waa ogaha waxa ku jira laabaha (dadka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَبْلُ فَذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Miyuusan idin soo gaadhin warka kuwii gaaloobay awal hore, waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُۥ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرٌ يَهْدُونَنَا فَكَفَرُوا۟ وَتَوَلَّوا۟ وَّٱسْتَغْنَى ٱللَّهُ وَٱللَّهُ غَنِىٌّ حَمِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, waxayse yidhaahdeen: Ma qof aadmi ah baa na hanuuninaya? markaasay gaaloobeen oo ka jeesadeen (Xaqa). Alle uma baahna (cidna). Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

زَعَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن لَّن يُبْعَثُوا۟ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ وَذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kuwa gaalooba waxay moodaan inaan marnaba laga soo bixinaynin (iilka). Dheh: Haayoo! waa igu Rabbigaye, waa la idin soo bixin, markaas waxaa la idiin sheegi (oo la idinka jaazeyn) waxaad fasheen, (arrin)kaasina Alle wuu u fudud yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلنُّورِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلْنَا وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo Nuurka (Qur’aanka) aan soo dejinnay. Alle waa ka war hayaa waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يَجْمَعُكُمْ لِيَوْمِ ٱلْجَمْعِ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلتَّغَابُنِ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَٰلِحًا يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Maalinta (Qiyaamada) uu idiin soo kulmin idinkoo dhan Maalinta Kulanka [1], taasu waa maalin kedo uu qof khayr heli (mu’minka) ama uu ku dhici khasaaro weyn (gaalka). Qofkii rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu (Alle) ka tiri denbiyadiisa oo gelin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qulqulaan ay ku dhex waarayaan weligood, taasi waa Liibaanta Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَآ أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Xumaa aayotiin ahaan iyo meel la ahaado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُۥ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idanka Alle. Qofkii rumeeya Alle, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa (oo xasila). Alle wax walba wuu Og yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Adeeca Allaah, adeecana Rasuulka, haddaadse jeesataan (Xaqa diiddaan), waxaa saaran Rasuulkayaga oo keliya Gaarsiin Cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Allaah! Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Allaah (oo keliya) ha talo saarteen mu’miiniintu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ مِنْ أَزْوَٰجِكُمْ وَأَوْلَٰدِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَٱحْذَرُوهُمْ وَإِن تَعْفُوا۟ وَتَصْفَحُوا۟ وَتَغْفِرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa ka mid ah xaasaskiinna iyo ilmahiinna kuwo cadow idiin ah, ee ka digtoonaada! Haddaadse iska cafidaan (gefafka ay idinka galaan) oo saamaxdaan (adduunyo wixii la xidhiidha), oo u ceeb qarisaan, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَٰدُكُمْ فِتْنَةٌ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Maalkiinna iyo awlaadiinna waa uun imtixaan [2], Alle agtiisase waxaa ah abaalgud Weyn (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ مَا ٱسْتَطَعْتُمْ وَٱسْمَعُوا۟ وَأَطِيعُوا۟ وَأَنفِقُوا۟ خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ee dhowra (amarrada) Alle intii karaankiinna ah [3]; oo maqla, adeecana, lana baxa sadaqo idinkay idiin roon tahaye. Qofkii laga dhowro bakheylnimada naftiisa, kuwaasi weeye kuwa liibaani.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن تُقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَٰعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Haddaad amaahisaan Alle amaah wanaagsan [4], Wuu idiin labo laabayaa (ajarka) oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Tixgeliye wanaagga, ajar siin iyo Dul qaad Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waa Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqda, Adkaadaha, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70