بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا طَلَّقْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحْصُوا۟ ٱلْعِدَّةَ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ رَبَّكُمْ لَا تُخْرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخْرُجْنَ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُۥ لَا تَدْرِى لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَٰلِكَ أَمْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka [1], oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib' [2], Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub [3].