caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Aal-i-Imraan, aayadda 154

Madiina · kala horreynta soo dejinta 89 · 3:154

ثُمَّ أَنزَلَ عَلَيْكُم مِّنۢ بَعْدِ ٱلْغَمِّ أَمَنَةً نُّعَاسًا يَغْشَىٰ طَآئِفَةً مِّنكُمْ وَطَآئِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِٱللَّهِ غَيْرَ ٱلْحَقِّ ظَنَّ ٱلْجَٰهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَل لَّنَا مِنَ ٱلْأَمْرِ مِن شَىْءٍ قُلْ إِنَّ ٱلْأَمْرَ كُلَّهُۥ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِىٓ أَنفُسِهِم مَّا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ ٱلْأَمْرِ شَىْءٌ مَّا قُتِلْنَا هَٰهُنَا قُل لَّوْ كُنتُمْ فِى بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ ٱلَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ ٱلْقَتْلُ إِلَىٰ مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِىَ ٱللَّهُ مَا فِى صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِى قُلُوبِكُمْ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Markaas cidhiidhigaa kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, lulmo qabaneysa koox idinka mid ah [32], halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen [33], waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn [34], iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan [35]. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna. Alle wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70