يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُن مَّعَكُمْ قَالُوا۟ بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمْ فَتَنتُمْ أَنفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَٱرْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ ٱلْأَمَانِىُّ حَتَّىٰ جَآءَ أَمْرُ ٱللَّهِ وَغَرَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Way u dhawaaqi (iyagoo leh): Sow ma aanan aheyn la jirkiinna? Waxay odhan: Haayoo, waxaadse balayseen nafahiinna [6], oo sugteen oo shakideen, waxaana idin hoday hawooyin been ah jeer cadaabkii Alle idinku gooddiyey yimid, isagoo kan hodidda iyo dhagarta badan (Shaydaan) idinka hoday xagga Alle.