caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Hujuraat, aayadda 11

Madiina · kala horreynta soo dejinta 106 · 49:11

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُونُوا۟ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَآءٌ مِّن نِّسَآءٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ وَلَا تَلْمِزُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا۟ بِٱلْأَلْقَٰبِ بِئْسَ ٱلِٱسْمُ ٱلْفُسُوقُ بَعْدَ ٱلْإِيمَٰنِ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka khayr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib Iimaanka. Qofkaan tawbad keenin [3] waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70