caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Aal-i-Imraan, aayadda 7

Madiina · kala horreynta soo dejinta 89 · 3:7

هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ مِنْهُ ءَايَٰتٌ مُّحْكَمَٰتٌ هُنَّ أُمُّ ٱلْكِتَٰبِ وَأُخَرُ مُتَشَٰبِهَٰتٌ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِمْ زَيْغٌ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَٰبَهَ مِنْهُ ٱبْتِغَآءَ ٱلْفِتْنَةِ وَٱبْتِغَآءَ تَأْوِيلِهِۦ وَمَا يَعْلَمُ تَأْوِيلَهُۥٓ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱلرَّٰسِخُونَ فِى ٱلْعِلْمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِۦ كُلٌّ مِّنْ عِندِ رَبِّنَا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waa Isaga Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir iskood ah [2], umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana xusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70