لَّيْسَ عَلَى ٱلْأَعْمَىٰ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْأَعْرَجِ حَرَجٌ وَلَا عَلَى ٱلْمَرِيضِ حَرَجٌ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka Alle). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan.