إِذْ قَالَتِ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يَٰمَرْيَمُ إِنَّ ٱللَّهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٍ مِّنْهُ ٱسْمُهُ ٱلْمَسِيحُ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ وَجِيهًا فِى ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةِ وَمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. (Xus) markay malaa’igtu tidhi: Maryameey! Alle wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, magaciisuna yahay Al-Masiix, Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, kana mid ah kuwaa ka ag dhow (Alle, Maalinta Qiyaamaha).