وَلَا يَحْسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبْخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦ هُوَ خَيْرًا لَّهُم بَلْ هُوَ شَرٌّ لَّهُمْ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُوا۟ بِهِۦ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha [39]. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.