caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Aal-i-Imraan, aayadda 103

Madiina · kala horreynta soo dejinta 89 · 3:103

وَٱعْتَصِمُوا۟ بِحَبْلِ ٱللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا۟ وَٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُمْ أَعْدَآءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِۦٓ إِخْوَٰنًا وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنْهَا كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70