وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوٓا۟ إِلَّآ إِيَّاهُ وَبِٱلْوَٰلِدَيْنِ إِحْسَٰنًا إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ ٱلْكِبَرَ أَحَدُهُمَآ أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَآ أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” [11], hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.