زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ ٱلشَّهَوَٰتِ مِنَ ٱلنِّسَآءِ وَٱلْبَنِينَ وَٱلْقَنَٰطِيرِ ٱلْمُقَنطَرَةِ مِنَ ٱلذَّهَبِ وَٱلْفِضَّةِ وَٱلْخَيْلِ ٱلْمُسَوَّمَةِ وَٱلْأَنْعَٰمِ وَٱلْحَرْثِ ذَٰلِكَ مَتَٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسْنُ ٱلْمَـَٔابِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaa loo qurxiyey dadka Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, ilmo, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah (maal) iyo fardo laylan oo qurxoon (gaadiid fiican) iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran (iyo guryo waasic ah oo wanaagsan). Kaasi waa raaxada nolosha adduunkan; Allena waxaa agtiisa ah meel noqodka wanaagsan (Janno).