وَكَيْفَ تَكْفُرُونَ وَأَنتُمْ تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ وَفِيكُمْ رَسُولُهُۥ وَمَن يَعْتَصِم بِٱللَّهِ فَقَدْ هُدِىَ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).