يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تُطِيعُوا۟ فَرِيقًا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَٰنِكُمْ كَٰفِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.