وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَٰهُمُ ٱلْكِتَٰبَ يُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَمِنْ هَٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤْمِنُ بِهِۦ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلْكَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah).