مَّن كَانَ يُرِيدُ ٱلْعَاجِلَةَ عَجَّلْنَا لَهُۥ فِيهَا مَا نَشَآءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلْنَا لَهُۥ جَهَنَّمَ يَصْلَىٰهَا مَذْمُومًا مَّدْحُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.