وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَىٰ تِسْعَ ءَايَٰتٍۭ بَيِّنَٰتٍ فَسْـَٔلْ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ إِذْ جَآءَهُمْ فَقَالَ لَهُۥ فِرْعَوْنُ إِنِّى لَأَظُنُّكَ يَٰمُوسَىٰ مَسْحُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Waxaan dhab ahaan siinnay Muuse sagaal calaamadood oo cad cad [35]; ee weydii Ilmahii Israa’iil markuu u yimid oo Fircoon ku yidhi: Waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran.