إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوْلَىٰهُ وَجِبْرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Haddaad labadiinnu Alle u noqotaan (oo tawbad keentaan) inkastoo quluubtiinnu iilatay (Alle wuu idiin denbi dhaafi); haddaadse isu kaalmeysataan (Nabiga) dhibkiisa, hubaal, Alle baa ah Gargaarahiis iyo Jabriil iyo mu’miniinta wanaagsan - malaa’igta (kale) baana intaas kaddib garab u ah.