يَوْمَ تَرَى ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ يَسْعَىٰ نُورُهُم بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِم بُشْرَىٰكُمُ ٱلْيَوْمَ جَنَّٰتٌ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Maalinta aad arki mu’miniinta iyo mu’minooyinka - nuurkoodu socdo hortooda iyo midigtoodaba: ku bishaareysta Maanta Jannooyin (Beero) ay webiyadu hoos qul-qulaan, iyagoo ku waaraya dhexdeeda (weligood). (Arrin)kaasi waa Liibaanta Weyn.