يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعْنَآ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ لَيُخْرِجَنَّ ٱلْأَعَزُّ مِنْهَا ٱلْأَذَلَّ وَلِلَّهِ ٱلْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِۦ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi [3] wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi [4], Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.